Hordhac: Arsenal vs Red Star Belgrade – Xidigaha Muhiimka Ah Oo ciyaari Doonin Kulanka Caawa.

0
234

Arsene Wenger ayaa sii wadi doona siyaasadiisa ah inuu isku shaandheyn sameeyo marka uu caawa wajahayo kooxda reer Serbia isagoo sidoo kale maanka ku haya iney todobadka soo aadan la ciyaari doonaan kooxda hogaamineysa horyaalka ee Manchester City.

Jack Wilshere ayaa kusoo bilaaban doona ciyaartaan sida la filayo kaas oo tartanka yurub wacdaro ka dhigaya, walow uusan wali nasiib u yeelan inuu kusoo bilowdo ciyaaraha horyaalka Premier League, sidoo kale waxaa nasiino la siin doonaa Ozil, Sanchez & Lacazette kuwaas oo isku diyaarin doona ciyaarta Pep Guardiola.

kooxda Gunners waxey u baahan tahay iney guul gaarto si ay u gaarto 12-dhibcood isla markaana u xaqiijiso usoo bixitaanka wareega xiga ee 32-aad.

 

Warbixinta Kulanka:
Kulanka: Arsenal vs Red Star Belgrade

Tartanka: UEFA Europa League (Week 4)

Garoonka: Emirates Stadium

Saacadda: 11:05 Habeenimo (XGA)

Maxaa Ka Cusub Kulanka?
Arsenal waxey weyneysaa dhawr ciyaartoy oo kala ah: Shkodran Mustafi, Sead Kolasinac, Santi Cazorla, Danny Welbeck iyo David Ospina kuwaas oo aan kulankaan sinaba uga soo muuqan karin.

Kooxda martida ah waxaa ganaax kaga maqnaan doona daafacooda bidix Milan Rodic, madama uu casaan qaatay kulankii ugu dambeeyay ee labada kooxood.

Xaqiiqooyinka Kulanka:
Labadaan kooxood waxey markii ugu horeysay isku arkeen Champions League dhawaan, markaas oo ay 1-0 ku adkaatay Arsenal – Olivier Giroud ayaana dhaliyay gool qalaama-rogaal lagu tusaaleyn karo oo aad u cajiib badan.

 

Shaxda Macquulka Ah:
Arsenal: Cech, Elneny, Debuchy, Holding, Nelson, Willock, Coquelin, Maitland-Niles, Wilshere, Walcott, Giroud

Red Star Belgrade: Borjan, Stojkovic, Le Tallec, Savic, Gobeljic, Krsticic, Donald, Srnic, Kanga, Radonjic, Boakye.