dhaawacyo laga qaaday muqdisho.

0
124

Wararka naga soo gaaraya Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in halkaaasi Maanta laga qaaday dhaawacyo.

Diyaarad laga leeyahay dowladda Imaaraadka Carabta ayaa Maanta 9 Qof oo ku dhaawacmay Qaraxyadii ugu dambeeyay ee ka dhacay Muqdisho ka qaaday garoonka Aadan Cadde.

Wasiirka Warfaafinta dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in dhaawacyaddaasi daweyntooda ay balanqaaday dowladda Imaaraadka , islamarkaana la geyn doono dalka Kenya.

 

Isbitaallada Muqdisho qaarkood ayaa wali waxaa ku jira dad ku dhaawacmay qaraxyadii ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Magaalada Muqdisho ayaa bishii lasoo dhaafay, waxaa ka dhacay Qaraxyo waa weyn oo ay ku dhinteen dad badan.