Home Ciyaraha “Dadku iney ilaawan maahin wanaagii aan sameynay sidaa waxaa yiri ”. Ronaldo

“Dadku iney ilaawan maahin wanaagii aan sameynay sidaa waxaa yiri ”. Ronaldo

0
130

Real Madrid ayaa guul daro qaraar xalay ka soo gaartay kooxda Tottenham oo ku dubatay 3-1 waana guul daradii labaad oo xiriir ah kaddib tii dhaweyd ee ka soo gaartay Girona horyaalka La Liga.

Laakiin Ronaldo ayaa aaminsan inaysan ahayn in waqtigan adag durba la ilaawo wanaagii ay kooxdan soo sameysay iyo guulihii badnaa.

Dhaawacyo ayaa hareereeyay daafaca Los Blancos taa oo ay si wacan uga faa’iideysatay Spurs oo guul ay u qalantay gaartay.

“Dadku ma ilaawi karaan waxyaabihii wacnaa aan sameynay,”, Ronaldo ayaa sidaa ku yiri wareysigiisa kulanka kaddib.

“Ma garanayo waxa ay la micno tahay in la yiraahdo tani waa Dhibaato, dadku si dhaqsi leh ayay ku ilaaween waxyaabihii aan sameynay.

“Waan guul darreysan karnaa saddex amaba afar kulan balse marna ma ahan Dhibaato.”.