Home Wararka maanta (Daawo Sawirro): Axmed Madoobe oo Xildhibaanada ka soo jeeda Jubbaland kulan layeeshay.

(Daawo Sawirro): Axmed Madoobe oo Xildhibaanada ka soo jeeda Jubbaland kulan layeeshay.

0
205

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa xalay casho sharaf ugu sameeyay Magaalada Muqdisho Xildhibaanada labada gole ee laga soo doortay Jubbaland.

Kulankan wuxuu ahaa mid Madaxweynahu uu Xildhibaanada uga xog-waramayay xaaladaha degaanada Jubbaland iyo mid guud ee dalka gaar ahaan Arimaha la xiriira sidii Xildhibaanadu ay degaanadii laga soo doortay dib ugu noqon lahayeen isla markana hawlaha jira uga qayb qaadan lahaayeen.

Axmed Madoobe wuxuu sheegay in Xildhibaanadu ay Jubbaland tagaan oo ay Bulshada la qaybsadaan duruufta adag ee ay ku jiraan wuxuu hoosta ka xariiqay inay lagama maarmaan tahay in Xildhibaanadu ay ka warqabaan Bulshada ay matalaan oo ay dareenkooda la darsaan lana qaybsadaan riyooyinkooda iyo hiigsiga ay leeyahiin.

Wuxuu sheegay in ay dhibaatada ugu badan ee deegaanka taala ay tahay Al-Shabaab oo meelaha qaar wali jooga taasna lagaga bixi karo iskaashi iyo wadajir.

“Al-Shabaab in aan dalkeena ka xorayno oo aan Bulshadeena la qaYbsano xanuunka ay Argagixisadu ku hayaan waa masuuliyad ina wada saaran” ayuu yiri Madaxweynahu.

Xildhibaanada ayuu Madaxweynahu ku booriyay in ay mushaharkooda iyo wixii taakulo ah oo ay heli karaan kaga qayb qaataan dagaalka Al-Shabaab lagula jiro ayna furimaha tagaan ciidamadana dhiiri galiyaan.

Mar uu soo hadal qaaday xiriirka dowlad Goboleedyada iyo Federaalka ayuu Madaxweynahu sheegay inuu hadba ku xiran yahay sida loo wajaho marxaladaha jira iyo in sharciga la ilaaliyo iyadoo arimaha masiiriga ahna Dowladu ay ka talo galiso dowlad goboleedyada.

“Wadankeenu wuxuu kasoo kabanayaa dhibaato adag oo u baahan in tartiib tartiib aan uga soo kabano taas ayaana wanaagsan in aan wada xusuusnaano in dalkan lawada leeyahay go’aamadiisuna ay saamaynayaan cid walba oo dalkan wax ku leh” ayuu yiri Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam.

Madaxweynahu wuxuu rajo wanaagsan ka muujiyay shirka wadatashiga ah ee hada ka socda Muqdisho isagoo xusay in hadii shirkii Kismaayo uuna dhicin aan Xamar la isugu imaadeen ajnabina loo kala dacwoon lahaa.

Wuxuu hoosta ka xariiqay in Shirka Kismaayo uu soo xiray albaab furaa mudadii burburka oo Soomaalidu marka ay wax kala tabato shisheeyaha loo kala dacwoon jiray.